Xiisad Ka Dhalatay Maamul Xumo Lagu Sameeyay Mashaariicda Uu Baanka Adduunku ka Maalgelinaayay ee Degaanada Hirshabelle..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Xiisad ka dhalatay Maamul xumo lagu sameeyay Tiro Mashaariic ay Bangiga Aduunka uy maalgelinaayay Degaano hoos yimaada Hirshabelle, taasoo la sheegay in welwel lafa muujiyay sida loogu kalsoonaan karo Hogaanka Maamulka…

Wararka ayaa sheegaya in Labo Barnaamij oo la xiriira Mashruuca u adkeysiga Biyaha Somalia (Barwaaqo) iyo Barnaamijka u adkaysiga Nidaamyada Cuntada, ayaa udub dhexaad u ah duufaantan Masmul xumo ee lagu eedeeyay Hogaanka Maamulka Hirshabelle kuwaasoo dib u dhac ku keenay hirgelintooda.

Maamulka Hirshabeelle ayaa isku dayay inuu xilka ka qaado Xiriiriyaha Mashruuca Barwaaqo iyadoo aan loo marin habraac sharciyeed iyo baalmarsan habraaca Bangiga Adduunka, Eedeymo aan sal lahayn ayaa loo jeediyay xiriiriyaha, balse baaritaan la sameeyay markii dambe ayaa lagu ogaaday in Eedeyntaasi aysan waxba ka jirin, waxaana lagu taliyay in dib loo soo celiyo, go’aanka uu Bankiga Adduunka taageeray, sida ku cad dukumentiyada la arkay.

Afhayeen u hadlay Bankiga Adduunka ayaa yiri “Waxaan la soconaa sheekadiina 16-kii Luulyo ee ku saabsan in si xaq darro ah shaqada looga ceyriyay shaqaale dowladeed oo uu bixiyay Bankiga Adduunka. Waxaan la soconaa kiiskan. Xil ka qaadista ayaa waxaa gacan ka geystay Kormeere dhinaca Saddexaad ah, waxaana la kaashaday Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in aysan jirin sabab lagu baabi’iyo qandaraaska Xiriiriyaha Mashruuca Hirshabeelle sidaas darteedna dib loogu soo celiyay.

336940cookie-checkXiisad Ka Dhalatay Maamul Xumo Lagu Sameeyay Mashaariicda Uu Baanka Adduunku ka Maalgelinaayay ee Degaanada Hirshabelle..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com