Muxuu Salka ku hayaa Dhir Beerista Xeebta Liido Maxaase Qashinka wax looga Qaban La’yahay..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howl dhir beeris ah oo laga bilaabay xeebta Liido ee Magaalada Mogadishu, Mashruucaan oo lagu qurxinayo qeybo ka mid ah Xeebta Liido, ayaa ujeedada ka dambeysa ayaa ah sidii Shacbiga Magaalada u booqan lahaayeen Maalmaha nasashada ee Shaqada Todobaadka…

Xeebta Liido Sanadihii ugu dambeeyay waxaa laga dhisay Dhismayaal qurux badan oo isugu jira Baarar iyo Hoteelo, iyadoo Maamulka Gobolka Benaadir oo dhiiri gelin ka helay Ganacsatada iyo Dadka iska leh Hoteelada ayaa dejiyay Qorshahaan dhirta lagu beeraayo qeybo ka mid ah Xeebta Liido.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegay in 149-Kun ee Geed lagu beeray Wadooyinka, Dhismayaasha kala duwan sida goobaha Nasashada, Xarumaha Jaamacadaha iyo Guryaha Magaalada, Inkastoo Mashruucaan uu yahay mid mudan dhiiri gelin hadana Maamulka Gobolka ayaa ka gaabiyay inuu Qashinka Magaalada u dejiyo qorshe wax looga qabanaayo, kaasoo dhibaato weyn ku hayo Cafimaadka Shacbiga.

297820cookie-checkMuxuu Salka ku hayaa Dhir Beerista Xeebta Liido Maxaase Qashinka wax looga Qaban La’yahay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com