Farmaajo & Rooble Oo Lagu Eedeeyay Boobka Kuraasta Waqooyiga

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya olole balaaran oo lagu doonaayo in lagu boobo kuraasta loo qoondeeyay Musharixiinta ka soo jeeda Waqooyiga Somalia, waxaana boobkaan laga diyaariyay Xafiisyada Madaxtooyada iyo kan Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta…

Qorshahaan ayaa la sheegay in loo xil saaray Gudoomiyaha Guddiyada Doorashada Xaliimo Ismaaciil (Yarey) iyo Madaxii Hore Ee Galmudug Axmed Ducaale Gelle (Xaaf), waxeyna bilaabeen iney dacaayado ka faafiyaan saami qeybsiga Musharixiinta Waqooyiga, waxeyna ku doodeen Beesha Fiqi Shiini ay ku dulman tahay saamiga Aqalka Sare.

Rooble & Farmaajo ayaa ku heshiiyay in hadii uu hirgalo Qorshahaan ay Beesha Sacad yeelan doonto 2-xubnood oo Aqalka sare ah, iyadoo lagu wado in Horjooge Cabdi Qeybdiid iyo Axmed Ducaale Xaaf ay noqon doonaan Wakiilada Beelaha Habar gidir Ee Aqalka Sare.

130010cookie-checkFarmaajo & Rooble Oo Lagu Eedeeyay Boobka Kuraasta Waqooyiga