Macallin Si Bareer ah Loogu Dilay Degaan ka Tirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Fal dil bareer ah oo loo geystay Muwaadin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Muuse Ducaale kaasoo Macallin ka ahaa Dugsiga hoose iyo dhexe ee Tuulada Seemade oo hoos taga Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah ayaa la soo wariyay inuu dilay Marxuumka, xilli uu isu diyaariyay inuu khudbada Jamcaha ka jeediyo masjid ku yaalla Degaankaas, iyadoo uu baxsday ninka dilka gaystay oo aysan weli gacanta lagu soo dhigin Xoogaga Amaanka Puntland.

Meydka Marxuumka ayaa xalay la keenay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo sida la sheegay ehelada marxuumka oo Gobolka Awdal ka soo jeeda ay codsadeen in tallaagad lagu hayo inta ay ka imanayaan, talabaadaan ayaa sheegay iney Dad badan ku abuurtay Argagax, iyagoo dalbaday in Calaadada la horjeeno Gacan ku dhiiglaha.

337120cookie-checkMacallin Si Bareer ah Loogu Dilay Degaan ka Tirsan Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com