Gelleh, Deni & Biixi Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashada & Xaalada Dalka

Somalia news

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Puntlan Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmo kahor yeeshay wada-hadal khadka taleefoonka ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Wararka ayaa sheegay in wadahadalka oo dhacay 22 –23 bishii dhamaatay ee Febaraayo (intii Biix uu ku sugnaa Jabuuti), ayaa diirada lagu saaray xaalada guud ee Somalia gaar ahaan doorashada Guddoonka labada aqal ee BJFS iyo Madaxweynaha iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen.

Warsidaha a Diinah.com news ayaa la la wadaagay in Ismaaciil Geelle, Muuse Biixi iyo Siciid Deni, ay go’aan wadajir ah ka gaareen arrimaha doorashada Somalia, ayna isla garteen inay mar kale yeeshaan wada-hadalo kale. iyadoo lagu wado todobaadyada soo socda la filayaa iney yeeshaan kulan noocaan oo kale ah.

172340cookie-checkGelleh, Deni & Biixi Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashada & Xaalada Dalka