Hogaanka Villa Somalia oo looga digay ineysan Ku Fududaan Khilaafka Maamulada Mucaaradsan

Somalia news

Inkastoo uu dhowaan isbedel ku yimid Hogaanka Villa Somalia isla markaasna Kooxda Hogaanka la wareegtay ay la soo shir tageen halkudhegyo muunad wanaagsan leh ”Somali Heshiis ah Dunida la Heshiis ah” & ”Dan Qaran” hadana waxaa soo muuqanayaa talaabooyin siyaasadeed dhan ka ah halheysyada faaruqa ah…

Madaxtooyada & Xisbiga Madaxweynaha oo dhawaan shaaciyay 6-Qodob oo Barnaamij siyaasadeedkooda saldhig looga dhigay in wax badan laga bedeli doono hab-dhaqankii Maamulkii ka horeeyay ee fashilmay, gaar ahaan Siyaasada wiiqeysan ee Federaaleynta Dalka iyo la xifaaltanka Maamulada Gobolada, fulin la’aanta Balanqaadyada beenta ku dhisan ee Ololaha doorashada, Abaaraha, sugida Amaanka iyo dagaalka kooxaha Argagixisada.

Khubarada Arrimaha gudaha ayaa farta ku goday in Hogaanka cusub ee Saldhigtay Villa Somalia uusan dooneynin inuu wakhti badan ku lumin wada xaajood la la galo Maamulada ka aragtida duwan, Wuxuuna qorsheeyay inuu Wasiiro Federaalka ka tirsan loo diyaariyo iney Madax looga xusho Doorashada Maamulada mucaaradsan, iyadoo la adeegsanaayo Canshuurta Shacbiga Magaalada Mogadishu laga qaado.

Waxaana Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa 1-aad looga digay iney soo minguuriyaan siyaasad fashil ah oo cawaaqibkeeda la soo tijaabiyay, kuna dambeyn doonta is-qabqabsi siyaasadeed inuu u awood sheegto Maamulada ka aragtida duwan, Habka ugu haboon ayaa ah inuu u madax baneeyo Shacbiga & Odayaasha degaanka cidda ay u xulanayaan Doorashada.

207200cookie-checkHogaanka Villa Somalia oo looga digay ineysan Ku Fududaan Khilaafka Maamulada Mucaaradsan