Xoogaga Amaanka Maamulka Hargeysa oo Qabtay Xubno Qorsheynaayay Amasn Darro..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Waqooyiga Dalka ayaa sheegay iney howlgal ku soo qabteen laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Somalia kuwaasi oo doonayay in ay falal qorshaysan ka fuliyaan magaalada Boorama ee Gobolka Awdal…

Qoraal ay ku baahiyeen Bartooda X ayaa lagu qoray in Xoogaga Laantani ay qabateen Xubno doonayay iney qas ka abuuraan magaalada Borama, “Waxaanu gacanta ku dhignay  koox ka tirsan NISA oo hawlgallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama, Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.” Ayaa lagu sheegay qoraalka NIA.

Waxeyna Bulshada Degmada ugu baaqayaan in ay laamaha amaanka ku wargaliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, Laantaan, ayaa sanadkii u dambeeyay xabsiyada u taxaabay Dad lagu eedeeyay iney qorshaynayeen Kacdoon ka dhan ah Maamulka Hargeysa ka wadaan Gudays Degmada Boorame iyo nawaaxigeeda.

337550cookie-checkXoogaga Amaanka Maamulka Hargeysa oo Qabtay Xubno Qorsheynaayay Amasn Darro..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com