Puntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Dalab Uga Yimid Mareykanka

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Kulan dood adag ka dhalatay oo dhex martay Madaxweyne Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka kuna aadanaa mideynta Howlgalada Ciidamada Danab iyo kuwa PSF uu ku soo dhamaaday Fashil…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan diirada lagu saaray sidii Ciidamada PSF loo hoos geyn lahaa Xarunta Dhexe Taliska Ciidamada Comandos-ka ah ee Danab loona mideyn lahaa Howlgalada, Sanadka iyo Gunooyinka Guutadaasi oo ku kala sugan Gobolada Dalka qaarkood.

Wararka ayaa sheegay in Madaxda Puntland loo soo jeediyay iney aqbalaan in awaamiirta Howlgalada Ciidamada Puntland (PSF) la hoos geeyo Xarunta Balidoogle isla markaasna Dhaqaalaha iyo Tababarada iyo iney isku tashato oo laga jaro dhaqaalaha lagu kabo, wuxuuna ku soo dhamaaday fashil.

Waxaana la filayaa in Ciidamada PSF iney isku diyaarineyso iney la Wareegto dhaqaalaha iyo Tababarada Ciidamadaan, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladda UAE ay balanqaaday iney buuxin doonto kaalinta ay baneeyeen Ciidamada Mareykanka, balse waxey su’aali ka taagan tahay sidii loo maareynayaa Dhismaha Ciidamo Qaran hadiiba ay kala qeyb sanaan ka dhex jirto Ciidamada Dowladda Federaalka.

122710cookie-checkPuntland Oo Ganafka Ku Dhuftay Dalab Uga Yimid Mareykanka