Ma Dhabaa in Kooxda Shababka ay Diyaariyeen Qorshe Lagu Weeraro Drones oo ay Ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Xalane..

Uncategorized

Macluumaad Sirdoon iyo Digniino Amaan oo ay iska kaashadeen Hey’adaha Amaanka UN-ka iyo kuwa Sirdoonada Reer Galbeedka ayaa lagu qiray in jirto qorshe Weeraro ay Kooxda Argagixisada Shababku ku qaadi karaan loona adeegsanaayo Drones gantaalo xambaarsan oo lagu farsameeyay Dalka Iran laguna beegsado Xarumo dhowr ah oo Caasimada Mogdishu ku yaal…

Xuuraanka la helay ayaa tilmaamaya in Argagixisada Shabaabku ay si weyn u kordhiyeen adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay u sameeyaan sahanno iyo diiwaan gelinta dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada amniga, Qaar ka mid ah hay’adaha sirdoonka iyo Xarumaha Safaaradaha ee Garoonka Diyaaradaha, waxaana laga cabsi qabaa in kooxda Shabaabku ay dhawaan bilaabaan hubaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ugu deeqday Iran.

Xogaha la helaayo ayaa daaha ka rogaaya in kooxda Argagixisada Shababka ay diyaariyeen qorsho Bartilmaameedyada la tilmaamay in diyaaradaha drones-ka ee lagu farsameeyo Dalka Iran kuwaasoo xambaara bambaanooyinka lagu soo raro si ay u duqeeyaan xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho, taasoo la filayo inay dhacdo waqti kasta waxaana ka mid ah:-

– Safaaradaha Mareykanka & UK ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha.
– Garoonka Muqdisho iyo Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ah.

-Xarunta UNSOM, ATMIS iyo Safaaradaha Shisheeye ee degan Xalane
– Villa Somalia. Xarumaha Wasaaradaha, Hoteelada iyo Mall’s qaarkood.

Xuuraanka Muhiimka

Tan iyo dabayaaqadii bishii December ee sanadkii 2023-ka, kooxda Shabaabka waxa ay maleegayeen diyaarinta weeraro waaweyn, balse qorshahooda waa la fashiliyay ama dib u dhac ku yimid sababo la xiriira arrimo kala duwan, Si kastaba ha ahaatee, dhagartooda u dambeysay ayaa ah mid ay ku doonayaan inay ku muujiyasn cududooda, isla markaana ay soo bandhigaan guul-darrooyinka Dowladda. Iyadoo maamulka hadda ka arimiya magaalada Muqdisho uu la daalaa dhacayo Maamulo Xumo baahsan, kala dambeynta oo hoos u dhacday, isla markaana ay soo food saartay dhaqaale xumo Baahsan, Musuq iyo Dhul boob xargo goostay.

337900cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Shababka ay Diyaariyeen Qorshe Lagu Weeraro Drones oo ay Ku qaadaan Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Xalane..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com