Ganacsade Lagu Dilay Muqdisho..

Uncategorized


Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa lagu dilay nin ganacsade ahaa, iyadoo dhanka kalena ay baxsadeen kooxihii dilay…

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Hilowle ayaa goob ganacsi ku lahaa Suuq Boocle, waxaana halkaasi meydkiisa ka qaaday Ciidamada Boliska.

Dabley bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay ninkan ganacsadaha ku dileen xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkiinley, waana wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Maqrib.

Xoogaga amaanka ee Degmada Dharkiinley ayaa ku baxay goobtaasi, waxeyna ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha.

15250cookie-checkGanacsade Lagu Dilay Muqdisho..