Maamulka Hargeysa Oo Eedeyn u Jeediyay Warbaahinta BBC-da Qeybteeda Somaliga..

Uncategorized

Maamulka Hargeysa ayaa xad-gudub ku tilmaantay warbixin ay BBC-da Qeybteeda Afka Somaliga oo Khamiistii kaga hadashay hoos u dhaca lacagta Shilinka Somalia, oo ay u isticmaashay sawir lacagta Somaliland ah, iyadoo ku eedeysay iney  in ay muddo dheer caadaysatay inay warar been abuur ah  ka faafiso..

Qoraal kasoo baxay Waaxda Warfaafinta ayaa lagu qoray “BBC Somali waxa ay xoortay anshaxii iyo milgihii saxaafada ee jidaynayey dhexdhexaadnimada, taasi oo ku keentay nuqsaan iyo hoos u dhac la xidhiidha kalsoonidii lagu qabay idaacadaas”, isla markaana xilliyo kala duwan looga digay faafinta warar aan jirin oo ay Maamulka sheegtay iney idaacadu ka qortay.

Warbixinta BBC Somali ayaa waxa ka falceliyay tiro dhowr ah iyadoo ay dadku inta badan hadal hayeen sawirka ay idaacadu u isticmaashay warbixinta oo ah mid kamid ah sariflayaasha Hargaysa oo suuqa lacag la fadhiya, Maamulka Hargeysa ayaa marar kala duwan hawada ka saartay dhagaysiga idaacada BBC Somali ee deegaanadeeda, iyada oo ay ku eedaysay in ay ku xad-gudubtay madaxbannaanideeda.

338900cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Eedeyn u Jeediyay Warbaahinta BBC-da Qeybteeda Somaliga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com