DAGAAL IYO DUQAYMO KA SII SOCDA MAGAALADA LAASCAANOOD

Uncategorized

Waxaa Maalintii 13aad ka socda dagaal xoogan iyo duqeymo aan loo meel dayin magaalada Laascaanood, kadib duulaan ay Xoogaga Muuse Biixi ee Somaliland ku qaadeen magaalada iyagoo is difaac adag kala kulmay Xoogaga hubeysan ee degaanka oo kaashanaaya Ururka SSC…

Dagaalka saaka ayaa dhinacyadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamada maamulka Somaliland ay sidii caadada aheyd ku garacayaan magaalada Laascaanood duqeymo aan loo meeldayin, kuwaas oo ay la bartilmaameedsanayaan guryaha shacabka, masaajidada iyo isbitaalada lagula tacaalayo dadkii ku dhaawacmay dagaalada.

Xogo ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo Saciid Deni ay is af garad hoose ka gaareen Dagaalka Magaalada Laas caanood, iyadoo Mr.Deni uu ka aamusay ka hadalka, Taageerida iyo taakukeynta Xoogaga Hubeysan, isagoo ku bedeshay in Maamulka Hargeysa ayaan ku qash-qaahin diiwaan gelinta doorashada degaanada Sanaag-Bari.

Halka Danjiraha Mareykanka ee Somalia, Ambasaador Larry André uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay ku mashquulsan yihiin dagaalka ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, isagoo uu tibaaxay in joojinta dhiiga daadanaaya, “anigoo adeegsanaya dadka saamaynta ku leh dhinacyada diririya Somaliland iyo dhinaca dadka deegaankaba.

Danjiraha ayaa xusay iney soo bandhigi doonaan ciddii bilowday dagaalka Laascaanood, geysatayna gabood-fallada ka dhanka ah rayidka, “Waqtigeeda ayaa la so bandhigi doonaa cidda weerarka qaadday, ku horreysay, cidda galaysa dembiyo gaar ah oo ka dhan ah rayidka taasi.”

242620cookie-checkDAGAAL IYO DUQAYMO KA SII SOCDA MAGAALADA LAASCAANOOD
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com