Ma Dhaba Inuu Wasiir Janan Xabsiga..

Uncategorized

Xoogaga amaanka ee Maamulka Farmaajo ayaa qoraalo ay soo dhigeen Baraha Bulshada Inuu Saakay Ka Baxsaday Xabsiga Wasiir Janan oo Muddo bilooyin ah ku xirnaa Xabsiga NISA si sharci darro ah oo aan Weli la horgeynin Maxkamadda.

Xogaha hordhaca ah ayaa sheegaya In 5-maalmood ka hor laga saaray Xabsigii uu ku xirnaa, iyadoo loo wareejiyay guri ku yaal agagaarka Xarunta NISA Mr.Cabdirashiid Janan ee degmada Shibis, waxaana la sheegay inuu Dariishada uu jebiyay kadibna uu xabsaday.

Saraakiisha iyo Ilaalada Guriga ayaa ogaaday saacado kadib, iyadoo kadib lagu wargeliyay Boliiska soo saaraan Baafin, inkastoo Mugdi iyo su’aalo badan ay ka taagan yihiin baxsashada, waxaana laga yabaa iney xiriir la leeyahay baxsashada xiisadaha ka taagan degmooyinka, B/xaawo, Baadheere, Luuq iyo Doolow oo ay taageerayiisha ay ku badan yihiin

13390cookie-checkMa Dhaba Inuu Wasiir Janan Xabsiga..