Maxaa ka Run ah in Ethiopia ay ka Noqoneyso Heshiiska ay la Gashsy Maamulka Waqooyiga Dalka…

Africa News Somalia news

Wararka laga helaayo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Dowladda Turkiga oo dhex-dhexaadinaysa labada waddan ee Somalia iyo Ethiopia ayaa shaacisay in wada-xaajoodkii labada dhinac uu Todobaadka dambe ka furmi doono magaalada Ankara ee dalkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in kadib dedaaladii iyo culeys saar siyaasadeed ee Dawladda Turkiga waday todobaadyadii ugu dambeeyay, waxaa la sheegay in Maamulka Addis Abeba uu ku qanacay in la soo hormariyo kulankii loo balansanaa bisha September ee wada xaajoodka Somalia & Ethiopia isla markaasna horumar laga gaaray Safarkii uu Wasiirka Turkiga ku tagay Addis abeba.

Sida xoguhu tilmaamayaan bilowga Todobaadka soo socda ayaa mar kale shir heer Wasiiro Arrimo Dibadeed ka dhacayaa Ankara kaasoo la filayo in labada dhinac ee (Somalia iyo Ethiopia) ay is afgarad buuxa ka gaaraan khilaafka mudada 8-da Bilood soo jiitamaayay, Waxaana looga fadhiyaa iney ku dhawaaqdo inay ixtiraamayso Midnimada, xXuduudaha, Wadajirka iyo Dowladnimada Somalia kana laabatay is afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Heshiiska bud-dhig u noqon doono heshiiskii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha ee 1982 (UNCLOS), Dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika-sida Eritrea, Djibouti, Somalia, iyo Kenya- waxay mar walba u furnaayeen xiriir Ganacsi oo ku salaysan mabaadi’da UNCLOS, waxaa la filayaa inay (Ethiopia) ku shaqeyso qaab dhismeedka sharciga caalamiga ah.

339020cookie-checkMaxaa ka Run ah in Ethiopia ay ka Noqoneyso Heshiiska ay la Gashsy Maamulka Waqooyiga Dalka…