Abaabulka Doorashada Xilka Madaxweynaha Oo galay Marxalad adag

Somalia news

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay isbedelo cusub oo ku salsysan Isbaheysiyo salkana ku haya isu tanaasul, iyadoo Ololaha Doorsahada uu galay marxalad cusub, ayna dhici karaan in inta badan Musharixiinta miisaanka leh ay midoobaan…

Waxaana Hoteelada & Guryaha qaarkood laga dareemay kulamada iyo shirarka is-daba joog oo aan loogu kala kaceyn, kuwaasoo u badan wada tashiyo sidii loo dhisi lahaa isbaheysi siyaasadeed oo saameyn ku yeesha Doorashada Xilka Madaxweynaha.

Waxaa suura gal ah in saacado gudahood la isu guuro oo la arko dhinacyo isbaheysi dhex mara, Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa si weyn ugu lug leh ololaha socda, iyadoo markii u horeeysay saddexdii Dowlad Goboleed ee isku aragtida la ahaa Villa Somalia ayaa loo badinayaa inay dhistaan Musharax aan Farmaajo aheyn.

Iyadoo Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mr.Guuleed uu aqbalay soo jeedin iyo wada-xaajoodyo ay garwadeen ka ahaayeen, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Odayaal dhaqan oo Musharixiinta ku heyb ah, wuxuuna taageero iyo garab istaag buuxa u balanqaaday Warsame oo sanadkaan tartame rasmiya ah, inkastoo Saaxiibadiisii hore Xasan Sheekh, Faarax C/qaadir & Fahad ay ku culeys ku saareen inuusan u tanaasulin C/raxmaan.

188540cookie-checkAbaabulka Doorashada Xilka Madaxweynaha Oo galay Marxalad adag