Nin Soomaali ah oo Magangalyo doono oo loo xiray inuu kufsaday gabar 14 jir ah..

Security World

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay Xoogaga Amaanka ku soo qabteen Nin magangelyo-doon ah oo  Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ku kufsaday Gabar 14-jir ah gudaha dalka Austria toddobaadkaan, sida ay warbaahinta Dalkaasi ay bashiyeen..

Wararka ayaa sheegaya in Baarayaasha kiiskaan ayaa sheegaya in Eedeysanaha oo 17 jir ah ay qabteen Kaamirooyinka wax duuba, balse aysan u suurtagelin iney aqoonsadaan ama ay helaan in muddo ah, iyadoo Gabadha ay hooyadeed u sheegtay kufsiga loo geystay, waxaana isla markiiba lagu wargaliyay Boliiska.

Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii, qof Soomaali ah ayaa loo xiray xatooyo taleefoonka gacanta oo uu ka dhacay Korneuburg, waxaana Booliiska ay ogaadeen inuu leeyahay tilmaamaha tuhmanaha kufsiga geystay, wuxuu diiday inuu qirto falka lagu eedeeyay markii maxkamada la hor-geeyay, waxaana haatan lagu hayaa xarunta Garsoorka ee Korneuburg.

339180cookie-checkNin Soomaali ah oo Magangalyo doono oo loo xiray inuu kufsaday gabar 14 jir ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com