Turkiga Oo Hoos u Dhac Dhaqaale soo Food Saartay Dalal Dhowr ahna Weydistay Deyn

Business Economie World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dalka Turkiga oo xiliyadii ugu dambeeyay dagaal adag kula jira hoos u dhac dhaqaale oo baahsan, iyadoo Lacagta Liiraha la sheegay iney qiimo beeshay, Waxeyna weydiisteen Dalka Sacuugida Deyn dhan 20-Bilyan US$ ah si loogu xoojiyo keydka lacagaha qalaad…

Wargeyska Dunya oo soo xiganaaya ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa qoray in Dalka Sacuudiga la filaayo dhowaan iney 10-Bilyan US$ ah ku shubto curaarta iyo Khasnada dhexe ee Bangiga Turkiga, Wasiirka Maaliyada Turkiga Mr.Nuradiin Nabati ayaa sheegay horaantii Bishaan in Dalkiisu uu u baahnaan doono 30-35 Bilyan oo US $ ah si loogu daboolo khasaaraha (Deficit) uu dalku ku jiro.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in Dalkiisa uu Amaah weydistay Dalalka Russia & Sacuudiga, Wargeyska Bloomberg ayaa dhowaan qoray in Shirkadda Tamarka ee Rostam (Russia) ay go’aansatay iney weydiisato Dalka Turkiga inuu bixiyo 15-Bilyan oo US$ ah si loogu dhiso Warshada dhalisa Quwada Nukliyeerka ee Akkuyu oo ku kaceysa dhismaheeda 20-Bilyan US$.

Ilo wareedyo kale ayaa xaqiijiyay in Dowladda Turkiga ay Weydisteen Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar Deyn si loogu kabo Miisaaniyada Dalka oo hoos u dhac weyn ku yimid sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo sidoo kale Lacagta Liiraha la sheegay iney qiimo dhacday.

207590cookie-checkTurkiga Oo Hoos u Dhac Dhaqaale soo Food Saartay Dalal Dhowr ahna Weydistay Deyn
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com