Madaxtooyada Villa Somalia oo ku Hafatay Jawaabta Eedeymo Hareeyay Safarka Madaxweynaha

Somalia news

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa ku hafatay iney dareenka Shacbiga ka sii jeediso, iyadoo Madaxweynaha Somalia uu wajahaayo Daadad Eedeymo ah iyo buuq siyaasadeed oo hareeyay Safarkiisa USA uu u xushay Saraakiisha Xisbigiisa iyo kan ood wadaagta la ah ee Daljir ee matlaad buuran ku laheyn Barlamaanka…

Madaxweynaha ayaa sidii kii ka horeeyay lagu eedeeyay inuu safarka u xushay Xubno aan matelin Amniga, Sirdoonka & Gaashandhigga, oo ahaa Muwduuca magaalada Washington la shir tageen, waxaaba ka sii dartay Fadeexadaan inuu Miiska soo fadhiisiyay Xuseen Cabdi Xalane oo ah Sarkaal hore kuna nool Dalka Mareykanka.

Waxay dad badan u arkaayeen Xasan Sheekh inuu yahay hogaamiyaha Dalkaan isbedel ku hogaamin kara, kicin kara xoreynta dalka iyo dib usoo kabashadda dhaqaalaha, ayaan darrase wixii horey looga bartay ayuu dib ugu noqday Madaxweynaha, Ma rabo Khabiiro Soomaaliyeed oo horumarka iyo dib u dhiska ka qeyb qaata, balse wuxuu isku mashquuliyaa inuu Xilalka muhiimka u wakiisho taageerayaal u jidbeysan, Talabaadaan ayaa niyada ka jebisay Shacbiga Soomaaliyeed uu u oomanaa iney mar uun arkaa Somali Heshiis ah oo gacmaha is qabsata.

214130cookie-checkMadaxtooyada Villa Somalia oo ku Hafatay Jawaabta Eedeymo Hareeyay Safarka Madaxweynaha