Cudurka Jadeeco Madow Oo Dhibaato ku Hay Xoolaha Degaanada Galmudug..

Health Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa in Degaano ka tirsan Dhulka Miyiga ah ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dilaacay xanuun ku dhacaya Xoolaha, Cudurkaan oo loo yaqaanno Jadeeco Madow, Dadka qaarna u yaqaanaan ku Habso ayaa maamulka Galmudug waxaa uu sheegay in uu kaga yimid dhanka Dalka Ethiopia..

Calaamadaha lagu garto Cudurka Jadeeco Madow

Khubarada ku xeel dheer Xanaanada Xooloha ayaa sheegay Cudurkaan oo afka Qalaad lagu yiraahdo (Peste des petits ruminants (PPR), Xanuunkan waxaa sababa virus-ka la yirahdo Morbillivirus wuxuuna si khaas ah ugu dhacaa Idaha iyo Riyaha, wuxuu sidoo kale ku dhacaa ugaarta sida Deerada, Biciidka iyo xitaa doofarka Somalia joogo.

Cudurkan waa cudur faafa, neefta ayayna xoolaha isugu faafiyaan wuxuuna aad ugu dhacaa Idaha iyo Aricadka oo ay Soomaalida aad u dhaqato sababta keentay ayaana ah in aan la koontaroolin maadamaa Somalia xadkeeda aysan jirin Dowlad xakameysa, Caadiyan cudurrada la is qaadsiiyo nidaam loo maamulo ayay leeyihiin kaasoo loo yaqaano Control Transported Disease xadka Somalia waa iska sii bax oo iska soo gal waxaana xilligaan xagaaga dhaca qabow daran kaas ayaana sii xoojiyay

340320cookie-checkCudurka Jadeeco Madow Oo Dhibaato ku Hay Xoolaha Degaanada Galmudug..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com