Xulashada Musharixiinta u taagan Xilka Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Cusub ee Federaalka

Somalia news

Kadib markii ay si nabad ah ku qabsoomtay dooraahada Xilka Madaxweynaha, ayaa waxaa durbadiiba soo shaac baxaaya in garabyadii taageeray guusha Madaxweynaha Cusub Mr.Xasan Sheekh ay bilaabeen sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xulashada Wasiirka 1-aad ee cusub…

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Jubbaland ay wadaan qorashayaal lagu oggoleysiinaayo Madaxe Xasan Sheekh inuu Wasiirkiisa 1-aad ee Dowlada Federaalka u xusho xubno ka soo jeeda degaanada kor ku xusan iyadoo la dhowraayo nidaamka wax qeybsiga Dowlada Federaalka.

Wararka hordhaca ayaa tilmaamaya in liiska Ra’iisul cusub uu kaalinta hore kaga jiro Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ama xubin uu isaga soo xushay halka Madaxweynaha Jubbaland la sheegay inuu soo bandhigi doono tiro dhowr ah Musharaxa uu Maamulka u soo xushay inuu noqdo Wasiirka 1-aad, waxaana kiiska kaalinta hore kaga jira Cabdirashiid Jire Qalinle, Xuseen Cabdi Xalane iyo xubno.

189070cookie-checkXulashada Musharixiinta u taagan Xilka Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Cusub ee Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com