Maamulka Puntiland Oo Ganafka ku Dhufayay Eedeymo ay u Jeedisay Hay’adda UNICEF..

Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu si kulul u beeniyeen Eedeymo dhawaan ka soo yeeray Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallaanka ee UNICEF oo ku aadanaa in Maamulka Dani ee Puntland ay Toogteen Caruur aan qaan-gaarin…

Madaxa Xafiiska Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku gacan seyray eedeymahaasi, wuxuuna caddeeyay in dhamaan Dembilayaasha la toogtay ay ahaayeen “Dad qaan-gaar ah oo lagu helay dambiyo”, Wuxuu xaqiijiyay in shaqsiyaadka la toogtay si taxadar leh loo baaray, islamarkaana lagu hayay xabsiga muddo dheer, waxaana la xaqiijiyay in dhamaantood ay ka weyn yihiin 30 sano.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyay in dilkooda loo maray habab sharci ah oo ay ku jiraan baaritaano dhab ah iyo tijaabooyin badan. Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka la xukumay la siiyay muddo 3-sano ah si ay racfaan uga qaataan xukunka lagu riday.

Dilka Toogashada ah ayaa dhacay 17-kii Agoosto ee Bishaan, xilligaasoo toban nin oo Dhalinyaro ah la dilay toogasho, Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Dambiilayaashani ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagixisada Shabaabka, islamarkaana ay ku lug lahaayeen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

340950cookie-checkMaamulka Puntiland Oo Ganafka ku Dhufayay Eedeymo ay u Jeedisay Hay’adda UNICEF..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *