Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaso Oo Sababay Dhimasho & Dhaawac

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari (Puntland) kaasoo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo qaraxa la sheegay inuu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Amaanka…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Qaraxaan lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fariistan dadka qayila, taasoo ku taala bartamaha magaalada Boosaaso, halkaaso ay fadhiyeen dad isugu jira Shacab iyo Askar, waxaana la sheegay in dhimashadu ay gaareyso 3-Qof iyo 10-dhaawac ah.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa waxaa durtadiiba sheegatay kooxda aragagixisada Shabaabka, iyadoo inta badan noocayadaan qaraxyada ka fulisa Dalka, Ilaa iyo hada Laamaha amaanka Puntland kama hadlin Qaraxan.

166980cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Boosaso Oo Sababay Dhimasho & Dhaawac