Farmaajo & Kooxdiisa Oo Isku Day Afgami Ka Dhicisoobay

Somalia news

Xalay ilaa Saakay Kooxda uu Horjoogaha u yahay Madaxweynihii Hore Farmasjaha Fashilmay ayaa ka waday abaabul Ciidan, iyagoo Ciidamo hordhigay Xafiiska Wasiirka 1-aad isla markaasna Tiro Wasiiro ah ka hor istaagay iney Galaan Xarunta Madaxtooyada..

Xiisadaan ayaa laga cabsi qabaa iney isku rogto Gacan Ka hadal, kadib markii Garabka Farmaajo ay bilaabeen iney Ciidamada Dowladda u adeegsadaan Afgambiga Fashilmay, waxaana soo shaac baxaaya in Taageerayaasha Wasiirka 1-aad ay bilaabeen abaabul iyo hub uruursi lagana dareemay Guud ahaan Magaalada Mogadishu.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxman Al-Cadaala ayaa bartiisa Facebook ku xaqiijiyay in Mr.Rooble uu wajahaayo Cadaadis Iyo Culeys Ciidan, iyadoo Ilaalada isku dayeen iney ka hor istaagaan inuu Xafiiskiisa tago inkastoo isku daygaasi fashilmay.

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Ciidamada Amisom ee ku sugan Xarunta Madaxtooyada ay soo fara geliyeen Xiisadaani una oggolaaday inuu Wasiirka 1-aad Mr.Rooble uu Xafiiskiisa u shaqo tago, waxaana la filayaa inuu War-Saxaafadeed ku qabto gudaha Xafiiska.

158550cookie-checkFarmaajo & Kooxdiisa Oo Isku Day Afgami Ka Dhicisoobay