Masjid ay Leeyihiin Soomaalida Minnesota oo Weerar lagu qaaday..

Somalia news U.S. World

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee USA ayaa sheegaya in Shaqsi Mask xiran ay weeraray Masaajid ay leeyihiin Soomaalida ku nool Gobolkaasi xili habeen ah, isagoo soo jebiyay Albaabka kadibna wuxuu toos u abaaray Xafiiska Imaamka..

Wararka ayaa sheegaya in Shaqsigaan ayaa la sheegay inuu Xafiiskaasi ka qaatay Qalab muhiim ah halkaasi yaalay, iyadoo Muuqal Duubaha CCTV Masaajidka ayaa laga helay Macluumaadkaan, Waxaana halkaasi gaaray Qeybaha Boliiska ee Dembiyada Baara kuwaasoo ku guda jira Baarista Falkaan loo geystay Masaajidka oo dhacay 27-kii Bishaan.

Maxamed Cabdullaahi oo ah Imaamka Masaajidka Daarul Xikma ee magaalada Minneapoli, ayaa sheegay maalmahaan ay Masaajida Gobolkaasi ku yaal kuwo la weeraro ama yool-baar u ah kooxaha Islam Naceybka, iyadoo labadii sano ee u dambeysay waxaa la weeraray tiro kor u dhaafeysa 35-Masaajido, waxaana u dambeeyay todobaadyo ka hor in rasaas lagu weeraray Masaajid oo dhaawacyo ay ka dhasheen ayaa sheegay Sheekh Maxamed.

341540cookie-checkMasjid ay Leeyihiin Soomaalida Minnesota oo Weerar lagu qaaday..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *