XILDHIBAAN SOMALI/KENYAN AH OO KA BADBAADAY ISKUDAY DIL 

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qarax lagu eegtay degmada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari Kenya Xildhibaan Somali-Kenyan ah kaasoo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kaasoo sababay dhaawacyo soo gaaray Ilaaladiisa..

Wararka ayaa sheegaya in iskuday uu ka badbaaday Xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana soo galay Degmada Ijara ee Gobolka Gaarisa, waxaana ku dhaawacmay qaraxaasi 4 askari oo ilaaladiisa ka mid aheyd iyo Wadihii Gaariga.

Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maalmo gudahood ka dhacay Magaalada Gaarisa, waxayna Saraakiisha Amaanka ku eedeeyeen iney falkaasi ka dambeeyaan kooxda argagixisada shabaabka, falalkaan amaan darrada ayaa noqday kuwo joogto iyadoo Mas’uuliyiinta Amaanka iyo Militeriga lagu eedeyay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada Xalaada Amaan ee Gobolka Waaqoyi-bari Kenya.

193240cookie-checkXILDHIBAAN SOMALI/KENYAN AH OO KA BADBAADAY ISKUDAY DIL