Qiimaha Tikidhada Diyaaradaha Oo La Kordhinaayo

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya heshiis hoose ay wada gaareen 4-ka mid ah Shirkadaha agaasima Duulimaadyada gudaha Dalka iyo Magaalada Nairobi (Kenya duulimaadka ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka, kadib markii ay soo food Saartay hoos u dhac dhaqaale…

Wakiilada (Agency) ka socda shirkadaha ku heshiiyay qiimo kordhinta oo kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air, waxeyna kala hadleen Mas’uuliyiinta wasiiradda gaadiidka ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, waxeyna markaan doonayaan iney arintaan ka dhaadhiciyaan Maareyayaasha garoomada iyo Wakiilada hay’adda Duulista Hawada.

Sida ay sheegeen madax kamid ah hay’adaha duulimaadka Shirkadaha Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo fadhigoodu yahay Kenya kana mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee Somalia ka Kireeya diyaaradaha ayaan illaa hadda kordhin  Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Somalia uga Kireeyaan diyaaradaha, hase yeeshee Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa go’aansaday iney Sare u qaadaan Qiimaha Tikit-ka si ay u sameeyaan macaash badan.

84520cookie-checkQiimaha Tikidhada Diyaaradaha Oo La Kordhinaayo