Golaha Wakiilada Oo Laalay Dacwada xil ka qaadista Xildhibaan Maxamed Abiib…

Politics Somalia news

Wararja naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya kulan ay yeesheen Golaha Wakiilada oo looga doodaayay mooshin xil ka xayuubin Xildhibaan Maxamed Abiib oo ay Xafiiska Xeer ilaalinta soo gudbisay inkastoo ay xeerarka hareer mareen oo sifo asn sharciga waafaqsaneyn ku xireen…

Wararka ayaa sheegaya in Kulan aan caadi ahayn oo uu saaka Goluhu yeeshay uu ku diiday xil ka qaadista Xildhibaanka, waxaana ka soo horjeestay 51 Xildhibaan ayaa kasoo horjeedsaday dacwada, waxa ogolaaday 3 mudane, 2 mudane ayaana ka aamusay, Tirada guud ee Xildhibaanada soo xaadiray ayaa ahaa 56.

Kulanka Golaha ee maanta ayaa waxa soo dadajiyay xariga Xildhibaanka oo shalay laga qabtay garoonka Diyaaradaha ee Hargaysa, kadib safar uu kaga soo laabtay Imaaraatka Carabta, isaga oo markiiba loo qaaday xabsiga Madheera.

Koox hubaysan oo ka soo horjeeda xariga Xildhibaanka ayaa saaka la sheegay iney xireen Waddada u dhaxaysa Gabilay iyo Borama, kadibna waxa ku baxay xoogag ka yimid Saldhigg galbeedka ee Somaliland ee Goroyo-cawl, sidoo kale waxaa maanta xiran qaybo ka mid ah suuqyada Magaalada Boorama.

342110cookie-checkGolaha Wakiilada Oo Laalay Dacwada xil ka qaadista Xildhibaan Maxamed Abiib…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *