Ma Dhabaa In Madaxii Hogaanka Baarista NISA Xafiiska Ka Tagtay!? 

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Farmaajo & Saraakiisha Hogaanka NISA ee daacada u ah ay ku howlan yihiin xiligaan kala guurka ah dib u habeynta Xoogaga Nabadsugida, iyadoo bedelaan ku sameeyay Saraakiisha aan daacada u aheyn kuwa taageersan a Xilalka loo dhiibay gaar ahaan kuwa Taliska, Gobolka & Garoonka diyaaradaha…

Xogtaan ayaa sheegtay in G/Sare Hamdi Xasan Maxamuud Oo aheyd Madaxii Hogaanka Baarista Dembiyada NISA ay xilkii iska casishay (4-03-22) kadib markii fara gelin iyo hanjabaado loo jeediyay, Sarkaalkaan ayaa gacanta ku heysay Gal-dacwadeedka Marxuumada Ikraan Tahliil iyo qaar kale oo Muwaadiniin dilal, hanjabaado & Afduub xambaarsan looguna geystay xabsiyada NISA 5-tii sano ee u dambeeysay.

Wasiirka 1-aad (Mr.Rooble), & Saaxiibada Somalia (Beesha Caalamka) ayaa loogu baaqay iney soo fara geliyaan Xaalada Amaan ee Sarkaalka(Xamdi Xasan) si loo siiyo marin nabdoon & Hoy amaan ah si ay ugu fududaato Somalia & Caalamka ula wadaagto dhagaraha ay geysteen Farmaajo & Fahad looguna maxkamadeeyo Dembiyada ay geysteen.

175960cookie-checkMa Dhabaa In Madaxii Hogaanka Baarista NISA Xafiiska Ka Tagtay!?