Deni Oo Ka Cudur-daartay Qaabilaada Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada Qaarkood..

Somalia news

Sida loo sheegay Warsidaha Diinah.com news, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu ka cuddur-daartay inuu qaabilo Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada (Hirshabelle, Galmudug iyo Konfur galbeed), kuwaasoo doonaayay iney gaaraan magaalada Garoowe si looga wada hadlo khilaafka u dhaxeeya Deni iyo Xasan Sheekh…

Wararka ayaa sheegay in Ergedaan ay doonaayeen iney dhexdhexaadiyaan labada Nin si loo doo af jaro khilaafka u dhaxeeya oo ka dhashay kadib markii balamo iyo Magacaabis Xilal looga baxay Madaxweynaha Puntland, iyadoo isna uu qaadacay inuu kaqeyb galo kulamada Golaha wada tashiga Qaran oo lagu gaari lahaa go’aano la xiriira deyn cafinta Dalka iyo Arrimaha Doorashada soo socota.

Xogta ayaa xaqiijisay in Laftagareen, Qoorqoor iyo Guudlaawe ay codsadeen iney ka hor 10 bishan May tagaan magaalada Garoowe, lana kulmaan Madaxweynaha, balse wuu ka cududaartay, isagoo u sheegay in uu ku jiro olale doorasho dadweyne, uusana jaanis helayn kahor bisha June ee sanadkan.

255350cookie-checkDeni Oo Ka Cudur-daartay Qaabilaada Madaxweynayaasha Maamulada Gobolada Qaarkood..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com