Xoogaga Amaanka Oo Ku Guuleystay iney Qabtaan Gacan-ku-Dhiigle Dilay Gabar yar…

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay Xoogaga Amaanka Wardhiigley ay ku soo qabteen Eedeysane Macallin Dugsi Quran oo Gabar yar oo 16-sano jir ah ku dilay Gurigeeda gudihiisa kadib markii uu isku dayay inuu Xoog ku kufsado..

Wararka ayaa sheegaya in Gacan-ku-dhiiglaha magacciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cismaan Maxamed (Sadaam), Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in ninkaas loo heysto inuu dilka u adeegsaday ceeji iyo Mindi Marxuumad Maa’ido Maxamed Axmed oo aheyd gabar 16 jir ah kadib markii uu guriga ugu galay.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay Degmada Wardhigley, iyadoo Eedeysanaha isku dayay inuu goobta ka baxsado inkastoo muddo Saacado kadib la sheegay in gacanta lagu soo dhigay, isla markaasna baaris kadib la hor geyn doono Cadaalada, waxaana Boliisks ka soo qabteen Xaafada Oodweyne Eedeynaha Aabihiis iyo Macallin Dugsi Quraan oo Eedeysanaha ku qarinaayay Degaankaasi.

343390cookie-checkXoogaga Amaanka Oo Ku Guuleystay iney Qabtaan Gacan-ku-Dhiigle Dilay Gabar yar…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *