Maxaa Natiijo ah oo Laga Faa’iiday Kulankii Madaxda Ethiopia & Somalia

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii 2-da Maalmood ahaa ee ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Msdaxweynaha Somalia, kulankaan oo ka dhacay magaalada Addis abebe, inkastoo ay hareeyeen talaabooyin carqaladeyn oo ay qaadeen Maamulka Abiy…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Sida lagu shaaciyay Warmurtiyeedka ay soo wada saareen labada Dal waxaa lagu heshiiyay heshiis 10-qodob ka kooban, balse maxaa dhacay:-

Abiy isla maalintii uu ka degay Addis abeba Madaxweynaha Somalia waxey magaalada Hargeysa u diray Madaxa Sirdoonka Ethiopia, halka maalinkii xigay Taliyaha Boliiska Hargeysa lagu soo dhoweeyay magaalada Addis abeba, talaabooyin ayaa u muuqday faragelin arrimaha gudaha ee Somalia.

Inkastoo ay labada Dal culeysyo Siyaasadeed oo Caalami ah la saaray, hadana waxaa muuqatay in labada Hogaamiye ay doonaayeen iney muujiyaan wada hadlaan maadama dagaalo iyo xasilooni la’aan siyaasadeed ay ka heystaan gudaha labada Dal.

Ethiopia waxey ka eed sheegtay in Saraakiisha ku dhow Madaxweynaha Somalia sida Madax NISA iyo Wasiirka Amniga ay xiriiro dhow la leeyihiin Dalalka Masar iyo Suudaan kuwaasoo Ethiopia kala dhaxeeya Muranka Biyo xireenka Ethiopia iyo taageerada ay u fidiyaan Jabhadaha TPLF iyi Oromada Hubeysan, Halka Xasan Sheekh uu ku eedeeyay Ethiopia iney fara gelin ku heyso arrimaha gudaha ee Somalia.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in hiegelinta Kulankaan ay fududeeyeen Dowladaha Turkiga iyi UAE, waxaana la sheegay inuu culeys ku saaray Dalka USA.

216370cookie-checkMaxaa Natiijo ah oo Laga Faa’iiday Kulankii Madaxda Ethiopia & Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com