Dowlada Talyaaniga Oo Joojisay Bixintii Viisaha ee Muwaadiniinta Somalia & Sababta..

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal ay soo saartay Safaarada Italy ee Magaalada Mogadishu ayaa lagu xusay in joojiyay soo saarista fiisaha dal ku galka Yurub ee loo yaqaano Schengen ee ay siin jirtay Dadka Soomaaliyeed ee kasoo codsada sababo la xiriira in Tahriibka sharci darrada ah…

Wararka ayaa sheegaya in Safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen ee dhamaan dadka kasoo codsaday safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, Lama sheegin sababta Dowlada Talyaanigu u joojisay fiisahan, Hase ahaatee, go’aan bishii July ee sanadkan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay, in Guddiga Midowga Yurub uu soo jeediyay in la adkeeyo tillaabooyinka dal ku galka ee la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraal rasmi ah oo uu Guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in la soo jeedin doono in dalalka xubnaha Midowga Yurub ay awood u yeelan doonaan inay go’aan ka gaaraan tallaabooyinka la qaadayo, Ujeeddada tillaabooyinkan ayaa ah dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida aan caadiga ahayn ku gaaray Midowga Yurub iyagoo aan haysan dukumentiyo sax ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan ayaa sanad kaste iska dhiiba Waddamada Yurub sida Talyaaniga, kaddib markii ay dalalkaas ku tagaan Viisooyin ay ku helaan siyaabo kala duwan, Ethiopia iyo Gambia ayaa ah qaar ka mid ah dalalka Midowga Yurub uu ka qaatay tallaabooyin adag oo dhanka Viisaha ah.

344470cookie-checkDowlada Talyaaniga Oo Joojisay Bixintii Viisaha ee Muwaadiniinta Somalia & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *