Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Hanjabaado u Jeediyay Maamulka Dani ee Puntland..

Somalia news

Iyadoo Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Dani iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo gaaray halkii ugu sareysa, ayaa waxaa soo baxaaya hanjabaado ay jeedinayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxeyna sheegeen in 8-da Janaayo wixii ka dambeeya ay qabsan doonaan Doorasho hal dhinac ah..

Wasiirkii hore ee Maaliyada Mr.Xasan Shire Abgaal ayaa Mr.Dani ku eedeeyay inuu Laaluush u adeegsaday sidii uu Xildhibaanada Baarlamaanka u meel marin lahaayeen fursita iyo wax ka bedelka Dastuurka, wuxuuna sheegay in Qorshaha Dani uu yahay sidii loogu oggolaan lahaa muddo kororsi.

Wararka ayaa sheegay in isbedelka ugu weyn ee dooda dhaliyay ayaa ah Qodobka sheegaya in 3-Xisbi ka qeyb galaan doorashada, iyadoo hadda uu Baarlamaanku uu oggolaaday 9-Xisbi, talaabani ayaa imaaneysa iyadoo muddo Sanad ah uu xun yahay xiriirka u dhaxeeya Dani iyo Dowladda Federaalka.

Ku darsoo Dani ayaa sidoo kale qorsheeyay in xiligaan la furo/kordhiyo tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana Maamulka loogu baaqay la sugo Tirakoobka guud inta la qabanayo Dalka, Talaabadani waxay khatar ku tahay in muran cusub uu ka dhasho.

Tan iyo markii la dhisay Maamulka Puntland waxaa 8-da Jenaayo dhici jiray Doorasho, hase yeeshee markaan ma muuqato in Mr.Dani uu diyaar u yahay inuu qabto Doorasho wuxuuna doonayaan inuu ku dii negaado Kursiga si uu mar kale uu fursad ugu helo inuu Sanadka 2026-ka u tartamo Xilka Madaxweynaha Somalia.

268450cookie-checkSiyaasiyiinta Mucaaradka oo Hanjabaado u Jeediyay Maamulka Dani ee Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com