Isbedelka Doorashada & Khilaafyo Hor Leh Oo Xalin U Baahan

Somalia news

Jadwal cusub ayaa laga soo saaray Doorashada dadban ee Somalia oo is-bedel kooban lagu sameeyay, waxaa tartanka Senatorada loo mudeeyay bisha July 25-28 halka tartanka Xildhibaanimada ee Golaha Shacbiga loo asteeyay 12-September ilaa 2-da October..

Iyadoo Natiijada lagu dhawaaqi doono 25-Sep ilaa 5-ta October, Isbedelkaan ayaa la shaaciyay, iyadoo ay soo baxaayaan khilaafyo hor leh oo u baahan in xal deg deg ah laga gaaro kuwaasoo salka ku haya Doorashada Musharixiinta Gobolada Waqooyiga, Goobaha Amaanka Doorashada qaarkood iyo Maamulka Doorashada Ee Gobolka Gedo.

Laba ka mid ah Qodobada Khilaafka Doorashada ayaa in muddo ah soo jiitamaayay, ilaa haddana ma muuqato ifafaalo muujinaya in tanaasul iyo xal laga gaari karo, waxaana laga cabsi qabaa iney dib u dhac ku keenaan Qorshaha Doorashada, talaabadaan Ayaa Wakiilada Beesha Caalamka Iyo inta badan Shacbiga Soomaaliyeed welwel ka muujiyay.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Xukuumada xil gaarsiinta ayaa la sheegay iney si hoose heshiis ugu yihiin in wakhtiga lagu lumiyo khilaafyo iyo muran aan dhamaan ay Maamulka Hanaanka Dowladda ku heystaan rahmad inta sanadkaan ka dhamaanaayo, waxaana looga digay ineysan Dalkaan burbur iyo dagaalo sokeeye u horseedin.

129700cookie-checkIsbedelka Doorashada & Khilaafyo Hor Leh Oo Xalin U Baahan