Maqaalka Bulshada: Isla Hadalka Ama Naf-la-Sheekeysiga (Self Talk) Noocyadiisa…

Health World

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin caan ah oo dad badan lagu arko, wuxuu noqon karaa mid togan ama mid taban, waxaana uu saamayn ku yeelan caafimaadka maskaxda sida lagu arkay daraasado kala duwan, Naftaada oo aad la sheekaysato waxay saamayn kartaa heerka stress-kaaga, xasuustaada iyo ufiirsiigaaga…

Sida ay diraasaad la sameeyay tilmaamayaan, Isla hadalku wuxuu noqon karaa mid ku dhiiri geliya ama mid rajo xumo kugu abuura, nooca isla sheekaysiga waa lagu duwan yahay iyadoo ay ku xiran tahay qof shakhsiyadiisa, Sidoo kale, isla hadalka togan wuxuu caawiyaa in qofku uu si togan u fikiro taas oo noqon karta hab lagu maarayn karo stress-ka.

Inta badan qofku wuxuu isla hadlaa markuu suuqa ama iskuulkaa ka soo socdo keligiis, markuu guriga joogo keligiis, markuu suuliga ku jiro, marka uu keligiis yahay howlna uu hayo sida dhar dhaqista, guri xaaqista iyo cunno-karinta, jikaduna waa meesha ugu badan ee haweenka ku sheekeystaan.

Xeeldhereyaasha ku takhasusay caafimaadka maskaxdu waxay aaminsan yihiin in isla hadalka togani uu wanaajiyo rajada qofka taasoo sare u qaada tayada noloshiisa, Isla hadalka taban (negative self-talk) waxa uu raad xun ku yeelan karaa noloshaada si la mid sida isla sheekaysiga togani uu saamayn wanaagsan ugu yeelan karo noloshaada islamarkaana uu kaa caawin karo inaad naftaada horumariso.

Waxa ay cilmi baarayaashu ogaadeen in isla hadalka togani uu faaido u leeyahay caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka guud, taas oo caawisa in qofku uu si wanaagsan u fikiro noloshana uu si togan u eego. Faaidooyinka isla-sheekaysiga togan laga helo waxaa ka mid ah:

  • Heerka stress-ka oo yaraada
  • Dhiiranaanta iyo firfircoonida oo siyaada.
  • Qanaacada maskaxeeda oo siyaada
  • Xasuusta oo wanaagsanaata
  • Waxa uu wanaajiyaa fayow qabka jireed
  • Xirfahadaha go’aan qaadashada oo wanaagsanaata.
  • U fiirsiga oo wanaagsanaada
  • Sare u qaadista awoodda difaaca jirka
  • Heerka niyad jabka oo si weyn hoos ugu dhaca.

Waxa ugu horreeya waa inaad ogaato fikirkaaga taban islamarkaana aad ka shaqayso sidii ugu beddeli lahayd fikir wanaagsan.

  1. Isku day inaad garato marka is canaanayso. Tusaale ahaan haddii aad howl qabato oo sidii aad rabtay aad ugu guulaysan weydo, halkii aad naftaada ka dhaleecayn lahayd, iskugu hambalyee isku dayga aad samaysay naftaadana ku dhiirrageli in marka xiga aad ku guulaysan doonto.

2. Qiimayn ku samee isla hadalkaaga. Marka aad caado ka dhigato isla hadalka, u fiirso in isla hadalkaagu uu noqonayo mid khasaare leh iyo inkale.

3. Isku hareeree dad si togan wax u arka: Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, dadka kugu hareeraysan hab fikirkooda, sida nolosha u arkaan iyo dareemadooda intaba way kugu daaran karaan.

4. Naftaada ammaan maalin kasta. tusaale ahaan inaad tiraahdo

344620cookie-checkMaqaalka Bulshada: Isla Hadalka Ama Naf-la-Sheekeysiga (Self Talk) Noocyadiisa…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *