Ma Dhabaa in Deni uu Isku dayay inuu Hor-isaatago Gurmadka Ciidamada ee Dagaalka Laas caanood

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa isku day iyo fara gelin ay ku doonaayeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Mr.Dhabana-cad iney ku hor istaagaan Gurmad Ciidamo, Gadiid Dagaal iyo hub oo Islaanka Beesha Cumar Maxamuud & Waxgarad kale ku doonaayeen iney u diraan Dagaalka Magaalada Laascaanood…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Islaamka Beesha Cumar Maxamuud iyo Waxgarad kale ay muddo maalmo ah ku howlanaayeen sidii Gaadiidka dagaal ee ku xereysan Dhimsmayaal ku yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo kale loogu diri lahaa gurmad ahaan dagaalada ka socda magaalada Laas caanood.

Wararka ayaa sheegay in Dhismaha Guriyihii Talyaaniga oo ay ku xareysnaayeen tiro Gaadiid dagaal, Keyd rasaas iyo Noocyada hubka fudud uu ka soo saaray Islaanka Beesha Cumar Maxamuud Islaan Bashiir isla markaasna Waxgaradka ku amray iney 2-maalmood gudahood ku soo xareeyaan Tiro gaadiid dagaal iyo Ciidamo loo diro magaalada Laas caanood.

Sidoo kale Wuxuu ugu baaqay Islaanku Ganacsatada iyo Shirkadaha iney dhaqaale taakuleyn ah ugu yaboogaan Gurmadkaan, oo la filaayo in 2-3 maalmood gudahood loo diro magaalada Laas caanood, iyadoo Mr.Deni uu ku hungoobay inuu Saraakiisha Ciidamada ku hor istaago iney ka qeyb galaan dagaalka, isagoo hanjabaado u diray, balse dhegaha ayeey ka fureysteen.

243130cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu Isku dayay inuu Hor-isaatago Gurmadka Ciidamada ee Dagaalka Laas caanood