Ma Dhabaa in Ethiopia ay Codsatay iney ku Biirto Ururka Jaamacada Carabta & Dalka Ka Dambeeya..

Africa News World

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa in bilihii ugu dambeeyay ay Dowladda Ethiopia waday olole balaaran kuna aadan sidii ay ugu biiri laheyd Ururka Jaamacada Carabta, waxaana la sheegay in Hogamiyayaal Dalal Carbeed ay ka dambeeyaan hirgelinta Mashruucaan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Dowlada Imaaraadka Carabta iyo ugu yaraan Dal kale oo aan la shaacin ay daaha gadaashiisa ka riixayaan hirgelinta Mashruucaan sidii ay Ethiopia uga mid noqon laheyd Ururka Jaqmacada Carabta, inkastoo aysan la laheyn Xiriir Dhaqan iyo mid Diimeed, ku darsoo waxaa weli aan xal laga gaarin Tahriibayaasha Ethiopia oo sanad kasta ku sii qulqula Dalka Sacuudiga.

Horey waxaa Codsi la mid ah kan Ethiopia 30-sano ka hor u gudbisay Jaamacada Carabta Dalka Chad inkastoo aan weli la aqbalin, waxaase la eegi doonaa sida ay uga fal celiyaan Dowladaha Egypt, Somalia iyo Sudan oo xurguf hoose kala dhaxeeyo sida Muranka Biyaha Nile iyo Khilaafka dhul boobka ku dhisan ee heshiiskii is-Afgaradka Ethiopia iyo Maamulka Waqooyiga Somalia oo Dowladda Federaalka ilaa haatan diidan in heshiiskaasi dhaqan galo.

316910cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Codsatay iney ku Biirto Ururka Jaamacada Carabta & Dalka Ka Dambeeya..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com