Ma Dhabaa in Xoogaga Alpha Group ay Xireen Howlwadeen ka tirsan Wasaarada Waxbarashada..

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida (Alpha Group) Mogadishu ay ka fuliyeen 28-kii Biishii August, 2024, Hoyga Mr.Hanad Gar-haye (oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo) oo kana tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada xoog kaga kaxeysteen gurigiisa oo ku yaala Muqdisho, kadib markii ay gudaha u galeen….

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga NISA ay Muwaadinkaan xoog loo adeegsaday xilli ay qoyskiisu hurdaan, Wiilka Curudka ah ee Qoyska Gar-haye ayaa la xaqiijiyay in la la xiray, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxaha argagixisada, ilaa hadda lama hayo wax dacwad ah oo rasmi ah iyo sababta loo xiray toona, Gar-hayena iyo curadkiisa ayaa xaaladooda Caafimaad welwel laga muujiyay.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Xariga Mr.Gar-haye iyo Curudkiisa uu ahaa mid argagixisanimo oo la sheegay iney ka danbeeyeen xubno Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda SSC-Khaatumo oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhashay, Weerarka gacan ka hadalka ah iyo habraac la’aanta cadaalada ayaa waxa ay kor u qaadaysaa walaaca ku saabsan xariga sharci darada ah, cadaadis siyaasadeed, iyo xad gudubyada xuquuqul insaanka, Qoyska Gar-haye ayaa weli ku jira xaalad murugo ah, iyagoo u baahan cadaaladda, baaritaan madax-bannaan iyo tallaabo degdeg ah ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto xadgudubyada noocaan oo kale ah oo soo noqnoqda.

345640cookie-checkMa Dhabaa in Xoogaga Alpha Group ay Xireen Howlwadeen ka tirsan Wasaarada Waxbarashada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *