Muxuu u Ciqaabaa Shacbiga Mogdishu Hogaamiye kasta oo Talada la Wareega

Science

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxay mar kale marti u noqotay ciqaabta Wadooyinka la xiro, iyadoo maalintii labaad Shacbiga laga hor istaagay iney nolol maalmeedkooda soo dhacsadaan, waxaana u dheer dilalka tiro beelka ah ee Xoogaga Amaanka iyo Kooxaha argagixisada..

Iyadoo dhibka ugu badan uu ku dhaco Dadka ugu nugul, gaar ahaan Naafada, kuwa Xanuunsan, Haweenka Uurka leh, musaafurka iyo xoogaatada dan yarta ah oo nolol maalmeedka ku nool, Walwalka iyo cabsida heysa Shacabka caasimadda ku nool ayaa laba jibaarantay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Shacbiga ayaa Qeylo dhaan cabasho xoog ka keenay Wadooyinka xiran, waxaana lagu eedeeyay Maamulka Xasan fadhiidka ee Gurguurte inuu ka gaabiyay inuu hanto Maamulkiisa Amniga Magaalada isla markaasna kaqaado ciqaabta Bulshada ku nool Caasimada.

Dhibaatada ugu wayn ee heysta hoggaamiye kasta oo talada Dalka la wareega, ayaa ah inuu isku wareejiyo Taageerayaashiisa kuwaasoo u gudbiya go’aanno jilicsan oo saamaya go’aamadiisa mustaqbalka dhow iyo kan fog, isaga oo aan ogayn natiijada halka ay ku dambayn doonto. Murtidii Soomaaliyeed:-

Markii aan tabar hayeyna talo ma haynin, markii aan talo hayeyna tabar ma haynin”

233990cookie-checkMuxuu u Ciqaabaa Shacbiga Mogdishu Hogaamiye kasta oo Talada la Wareega

3 thoughts on “Muxuu u Ciqaabaa Shacbiga Mogdishu Hogaamiye kasta oo Talada la Wareega

  1. Maxaa wadooyinka loo xiraa ma qorshe kale ayeeysan aqoon kuwaan cilmiga Amaanka ka bartay sida wadada loo xiro baadna Shacbiga looga qaado

Comments are closed.