Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Baydhabo & Sababta..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo Kooxo bastoolado ku hubeysnaa Xalay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ku dilay Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ah Magaalada Baydhabo, dilkaan ayaa qeylo dhaan soo saareen Waxgaradka Degaanka..

Wararka ayaa sheegaya in Dilka Nabadoonka ayaa ka dhacay Xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsatay dableydii geysatay dilka Nabadoonka, Laamaha amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxaha geystay dilka Nabadoon Yacquub ka waday xaafadaha magaalada Baydhabo Xalay iyo maanta.

Howlgaladaasi ayaa la sheegay in Xoogaga Amaanku ku soo qabteen tiro Dad ay ku tuhmayaan iney ka dambeeyaan dilka Xalay loogu geystay magaalada Baydhabo Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji, Magaalada Baydhabo waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee noocaan oo kale ah iyo weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay ka geystaan gudaha magaaladaas kooxda Shabaabka

346290cookie-checkNabadoon Lagu Dilay Magaalada Baydhabo & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *