Madaxweynaha Puntland Oo lagu Eedeeyay Kala Qeybinta Garabyada Bulshada Gobolka Sool..

Somalia news

Warar laga helay Degaanada Gobolka Sool ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Puntland ee Muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ayaa lagu eedeeyay inuu qaaday talaabooyin uu ku kala qeybinaayo Qeybaha Bulshada Gobolka Sool, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Bulshada magaalada Laas caanood..

Taageerayaasha Xoogaga Hubeysan ee SSC ayaa aaminsan in kala qeybinta qeybaha kala duwan uu Mr.Dani uga gol leeyahay sidii uu ugu beegsan lahaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Bulshadana looga hor keeni lahaa, iyadoo la sheegay inuu (Dani) aad uga carooday markii Xaflad lagu qabtay Magaalada Laas caanood oo lagu maamuusaayay 1-da Luuliyo ayna ka qeyb galeen Xildhibaanada Federaalka.

Wuxuuna Abaabulay kharashna ku bixiyay munaasabad kale, taasoo daliil u ah inuu fara gelin ku hayo Arrimaha Gobolka Sool, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu Tiro Madaafiic ah loo qeybiyay Magaalada Laas caanood, wuxuuna Dani doonayaa inuu Safar ku tago magaalada Laas caanood si uu ololaha Doorashadiisa wax qabad uga dhigto.

Mr.Dani ayaa xiligaan wajahaaya cadaadis siyaasadeed oo ka dhashay damacoosa ku aadan inuu xukunka baaqi ku sii ahaado iyo hirgelinta hanaan bug ah oo u eg Demuqaraadiyada oo dhinac ka raran, talabadaan oo ay si weyn uga horyimaadeen Saamileyda siyaasada iyo Wakiilada Beesha Caalamka (Xisbiyada) iyo Qeybaha Bulshada, iyadoo lagu wado inuu dhawaan furo Kulan ay yeeshaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka.

263930cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo lagu Eedeeyay Kala Qeybinta Garabyada Bulshada Gobolka Sool..