Ilaalada Kulane Jiis Oo Laga celiyay Garoonka Qaarkoodna la sheegay in la xiray

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Ilaalo ka tirsan Nabadsugida, gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ayaa maanta lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde…

Wararka ayaa sheegay in Ilaaladaan iyagoo aan fasax heysan ayeey isku dayeen iney ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha, waxeyna ku sii jeedeen Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo ay beel ahaan ka soo jeedaan.

2-ba ka mod ah Ilaaladaan ayaa garoonka uga dhoofi rabay qaab ciidan Boliis ah, gaar ahaan Taliska Daraawiishta, kuna hubeysna qoryaha fudud, waxaana la xiray laba askari ay ka mid ahaayeen ilaa shan askari oo hoos tageysay Nabadsugida Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir u siiyay Xildhibaan C/llaahi Kulane inay ilaaliyaan, inta Xildhibaanku Ilaalo Ciidan Boolis ah ka helayo.

Xildhibaannada ayaa waxaa loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9aad, Amarka lagu xiray waxaa bixiyay Agaasimaha FISA.

195950cookie-checkIlaalada Kulane Jiis Oo Laga celiyay Garoonka Qaarkoodna la sheegay in la xiray