Dakhliga Dhaqaale ee kooxda Argagixisada Daacishta Puntland Oo Kordhay…

Security Somalia news

Macluumaad sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Kooxda Daacish ee ku sugan Gobolka Bari ee Degaanada Maamulka Puntland ayaa la xaqiijiyay inuu aad u kordhay dakhli ka badan 100,000 US$ bishii ka soo xarayso Baada ay ka qaadaab Shirkadaha isgaarsiinta, iyo Ganacsiyada kale ee maxaliga ah ee ku sugan magaalada Boosaaso…

Xuuraankaan ayaa daaha ka rogeysa in kooxda Daacish ay ka faa’idaysatay xasillooni darada iyo Khadka cagaaran ee ka jira magaalada Boosaaso, iyadoo loo sababaynayo xiisada ka dhex taagan ciidamada PSF iyo PMPF, Abdiweli Mohammad Yusuf oo ah Horjoogaha Maaliyada ee ISS ayaa door muhiim ah ka qaatay dhaqaale u uruurinta ururka oo hadda noqday xarun lagu bixiyo lacagaha lagu taageero howlaha IS ee dibadda.

Ilo wardoon ayaa tilmaamaya in nuskii hore ee sanadkii 2022, ay kooxda ISIS heshaydhaqaale dham ku dhawaad $2-Millions iyada oo ka ururisay ganacsiyada maxaliga ah sida soo wax soo dejinta, dhoofka Xoolaha, iyo Beeraha, Kooxdaan ayaa sidoo kale ku lug leh ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha ee wadamada Khaliijka iyo soo dejinta Hubka sharci darrada ah, sidoo kalena waxay ISIS canshuur baad ah ka qaaddaa Dadka wax tahriibiya.

Maalgelinta Argagixisada ISIS ayaa la sheegay inay khatar weyn ku tahay amniga gudaha iyo xasilloonida Degaanada Puntland iuo Somaliland, Sida warbixinta lagu xusay, lacagaha kooxdu hesho waxaa loo isticmaalaa in lagu kafaalo qaado dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee argagixisanimada, taasoo sii xumaynaysa colaadaha gobolka ka jira.

347460cookie-checkDakhliga Dhaqaale ee kooxda Argagixisada Daacishta Puntland Oo Kordhay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com