Maamulka Hargeysa Oo Hoos u Dhac Dhaqaale soo Wajahday, Sababtayna In Gunooyinkii la Bixin waayo..

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Somaliland uu soo food saaray hoos u dhaca dhaqaale, kaasoo sababay in la bixin waayo Gunooyinkii Wasiirada iyo Shaqaalaha, kadib markii dhaqdhaqaaqa Dekeda Berbera iyo Isbaarooyinkii Dakhliga ka soo geli jiray ay aad u yaradeen…

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Muuse Biixi uu soo saaray amaro gunti giijin ah, ayna ugu horeeyaan in Mushahaarka Xildhibaanada la jaro waase laga diiday, wuxuu kulamo la qaatay Ganacsatada iyo Gadisleyda oo uu weydiistay taakulo dhaqaale dagaalka oo lagu sii wado, gaar ahaan Mulkiilaha Dahabshiil ayuu ka dalbaday inuu Amaahiyo 2-Millions oo US$, waase u deyriyeen, sida ilaha sheegayaan.

Kharasha Dagaalka Gooja-cadde ayaa lagu qiyaasay in maalinkii ay ku baxdo 300-kun US$, isla markaana Askarigii ku dhinta dagaalka, waxaa Qoyskiisa la Mag ahaan loo siiyaa 2000-kun US$ sida la xaqiijiyay, ku darsoo 3-dii Barood ee Dhaqaalaha looga qaadi jiray ee Dhulka Gobolka Sool ayaa gebi ahaan lagu soo rofay xayiraado.

Wasiirka Beeraha ee Somaliland Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland dhaqaalehiidii burburay ka dib taloxumida Muuse Biixi, Wasiirka ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha ee Somaliland uu marayo in dalka uu haatan wejahayo cuno la’aan iyo mushahar la’aan ay sababeen hogaanka dalka la degay.

Xogta ayaa intaasi raacineysa in Kulankii Wasiirada aan xataa fariinta caadiga ah ee ogaysiinta aan loo dirin Wasiir Ina Cali Koore, taasoo muujinaysa heerkulka Qabyaaladu ay Muuse Biixi ka gaartay, iyadoo jilidii Filimkii Dowlad Somaliland la yiraahdo uu ku jiro xiliyadii ugu dambeeyay.

250570cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Hoos u Dhac Dhaqaale soo Wajahday, Sababtayna In Gunooyinkii la Bixin waayo..