Ganacsade Somalia/Djibouti Ka Soo Jeeda Oo Lagu Xayiray Magaalada Nairobi

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ganacsade heysta dhalashada Djibouti uu ka codsaday Maxkamada Nairobi iney Baasaboorkiisa u soo celiso si uu u qeybo galo Tartanka Doorashada Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Ganacsade Maxamed Yaasiin Ismaaciil oo 71-sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu khiyaameeyay dhaqaale dhan 4-Million Ksh, iyadoo laga xayiray Baasaboorkiisa, isla markaasna qaba Sahra Yaasin Maxamed, ayaa Qarenkiisa (Mr.Dr John Khaminwa), wuxuu Garsooraha Maxkamada ka codsaday in loo soo celiyo Dukumentiga Safarka si uu ugu qeyb galo Tartanka Madaxtinimada Somalia.

Qareenka u doodaya Mr.Maxamed Yaasiin ayaa Garsooraha u sheegay in Kiiskaan la xaliya oo heshiis la gaareen Dacwoodaha Ismaaciil Kuna Mursai lana siiyay 4-ta Million Ksh, una dhiganta 40-kun US$, waxaana Sidoo kale Garsooraha loo soo bandhigay in Ganacsadaha uu iska dhul degaanka Syokimau ee degmada Machakos laguna qiimeeyay 800-Millions Ksh.

188280cookie-checkGanacsade Somalia/Djibouti Ka Soo Jeeda Oo Lagu Xayiray Magaalada Nairobi