Muranka & Khilaafka u Dhaxeeya Ethiopia & Somalia oo Dib u Dhac ku Haya Dhameystirka Howlgalada ATMIS..

Africa News Security Somalia news

Warbixin Amaan ayaa daaha ka rogeysa in Muranka iyo Khilaafka u dhaxeeya Ethiopia iyo Somalia uu dib u dhac ku hayo dhameystirka Howlgalka ATMIS oo lagu wado in dhamaadka Sanadkaan la soo af jaro, waxaana lagu bedelayaa Howlgal cusub ee la magac baxay AUSSOM..

Wararka ayaa sheegaya in Caqabado ay ka mid yihiin maalgelin la’aanta howlgalka cusub, iyo xiisadaha ka dhex jira Somalia iyo Ethiopia ayaa halis gelin kara qorshaha bixitaanka ATMIS, Golaha Nabadda ee Midowga Afrika iyo Amniga (AUPSC) ayaa lagu wadaa iney ku kulmaan todobaadka Dalka Ivory Coast si looga hadlo mustaqbalka Dalalka Ciidamada ku deeqaaya Howlgalka Somalia kadib dhamaadkii Howlgalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis).

Go’aannada ku saabsan Maalgelinta dhaqaalaha Dalalka gacan ka geysata waxaa looga doodi doonaa Kulanka AUPSC, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC), iyo Wadamada Reer Halbeedka ee maalgeliya dadaalada nabad ilaalinta ee Somalia, Si kastaba, beesha caalamka ayaan weli isku raacsanayn maalgelinta howlgalka cusub. Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan inay taageeraan qaabka cusub ee howlgalka.

Dowlada Somalia ayaa ku adkaysatay iney yeelanayso Hogaaminta Howlgalka cusub, waxeyna dooneysaa iney soo xulato Dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalka. Ujeeddada ay ka leedahay Somalia ayaa ah in Ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon,  dalkana isaga baxaan.

347820cookie-checkMuranka & Khilaafka u Dhaxeeya Ethiopia & Somalia oo Dib u Dhac ku Haya Dhameystirka Howlgalada ATMIS..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *