Maamulka Hargeysa Oo Maleeshiyaad soo Dhoobtay Duleedka Laas caanood..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa sheegaya, in Xoogag hubeysan ay Maamulka Muuse Biixi uu soo dhoobay Duleedka Magaalada Laascaanood, Maleeshiyaadkaan ayaa la sheegay in qaab beeleed loo soo uruuriyay…

Xoogagaan Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in lagu xoojinaayo Maleeshiyaadkii horey ugu sugnaa Fariisinka Gooja cadde, waxeyna ka wadaan, dhaqdhaqaaqyo deelgaano ku dhaw Laascaano, iyagoona qorsheynaya duulaan xoogan, oo ay ku qaadaan Magaalada.

Maalin kahor Madaxa Xoogaga Somaliland Nuux Taani, u soo gaaray, Gobolka Sool, isgaoona hadalo gubabaabo ah ujeediyay Malreshiyaadka ku sugneed Deeganka Oog ee Gobolkaasi, isagoo u sheegay iney isku diyaariyaan Guluf lagu qaado magaalada Laas canood.

Dhinaca kale Xoogaga SSC-Khaatuma ayaa heegan la geliyay, iyagoona helay xogta dhaqdhaqaaqa kajira Gobolka ee ay Somaliland wado, Saraakiil ku sugan Laascaano ayaa inoo sheegay in aysan ka walwalsanayn duulaan kaga yimaado Somaliland, maadaama ay la socdaan dhaqdhaqaaqa jira.

262300cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Maleeshiyaad soo Dhoobtay Duleedka Laas caanood..