Ciidamo Isku Dhaf ah Oo La Wareegay Degaano ka Tirsan Gobolka Mudug…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Xogga dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Degaanka ayaa si buuxda ula wareegay Degaanada Bacaadweyn, Qaycad iyo dhammaan dhulka u dhaxeeya Qodqod iyo magaalada Camaara, kadib markii ay isaga baxeen Kooxda Argagixisada..

Hadal Hayeen u hadlay Dowlada ayaa sheegay in Maleeshiyaadka kooxda shabaab  ay isaga carareen degaanadaan kadib markii dhammaan difaacyadii magaaladaan ay ka ilaalin jireen lagu soo jabiyay dagaaladii shalay ka dhacay degaanada Qodqod iyo Sargo.

Magaalada Bacaadweyne ayaa ah magaalo dhowr jeer isku bedbedeshay gacanta ciidamada Galmudug iyo Makeeshiyaadka Shababka, lama oga markaan inay ciidamadu ka bixi doonaan Bacaadweyne sidii ay horey uga baxeen.

277630cookie-checkCiidamo Isku Dhaf ah Oo La Wareegay Degaano ka Tirsan Gobolka Mudug…