Madaxweynaha Dowlada Federaalka Mr.Hasan Sheikh oo habeenkii xalay casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Kulankaan oo hordhac u ah kulan Madaxweynuhu doonayo maanta oo khamiis ah ama maalinta sabtida ah in uu khudbad ugu jeediyo Baarlamaanka…
Sida xogtu sheegayso Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka horjeedin doona qodobo ay isla gaareen isaga iyo Madaxweynayaasha saddex dowlad goboleed ee shirka ku soo haray kuwaasoo wakhtigoodi doorashada mar hore dhaafey, iyadoo lagu wado in Muddo Kordhin kale loo sameeyo Hogaamiyayaasha Gobolada.
Waxaana lagu wadaa in doorashada laga dhigey bisha November 2025, si dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu Baarlamaanka a codsan doono in aysan kalfadhiga xirin oo lagu daro muddo bil ah, sidoo kale ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka qof iyo cod, ansixinta guddiga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.
Khudbad kooban oo Madaxweynuhu u jeediyey Xildhibaanada iyo Senetorada Baarlamaanka ayuu ku soo qaadey Madaxweynahaasha Puntland iyo Jubaland isaga oo aan magac-dhabin waxaana uu yiri:
Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in qorshaha Madaxweynaha ee qof iyo cod aysan suurtagal ahayn, ujeedada keliya ee uu ka leeyahay ay tahay muddo kororsi lamid ah kuwa Dowlad goboleedyada u u sameynaayo inuu ka helo.