Ma Dhabaa in Ergadii Kenya ee Dhexdhexaadinta ka dhex Waday Wasiirka 1-aad iyo Axmed Madoobe ay Horumar ka Gaareen Wan-waantii…

Politics Security Somalia news

Dowladda Federaalka iyo Hogaanka Maamulka Jubbaland oo muddo khilaaf xargo goostay u dhaxeeyay, kaasoo ka soo bilowday Doorashooyinka, iyadoo Axmed Madoobe uu qaadacay in Dalka loo jiheeyo Doorasho qof iyo cod ah, isagoo taas bedelkeeda doonaya inuu qabsado doorasho dadban oo uu ku soo baxo mar kale…

Xiisadaan ayaa gaartay heer labada dhinac ay bilaabaan abaabulo Ciidan iyo hub uruursi, iyadoo Dhsmaan Ciidamada ku sugnaa Jiidaha hore ee Dagaalka Kooxda Argagixisada uu ka soo saaray Axmed Madoobe kuna xoojiyay Gudaha Magaalada, Dekeda & Garoonka Diyaaradaha si uu uga hortago in Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka oo lagu waday inuu gaaro magaalada Kismaayo.

Khilaafka ayaa la sheegay iney Dowlada Kenya u xil saartay Ergo kakooban 3-Xubnood kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay dhexdhexaadin ka dhex waday Axmed Madoobe iyo Wasiirka 1-aad, inkastoo aan la shaacin wax natiijo ah, hadana waxay tageen Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo la kulmay Xasan, Xamsa iyo Axmed Madoobe.

Maxaa Dhinacyadaan ku Heshiiyeen

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Ra’iisul Wasaare Xamsa uu ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo, kaasoo maalmihii lasoo dhaafay la waday abaabulkeeda waxaana ku wehlin lahaa 300-500 Oo Ciidamada Dowlada Federaalka ka tirsan, kadib markii Axmed Madoobe ciidan badan ku diyaariyey garoonka isla markaasna wadada Diyaaradaha caga dhigtaan uu ku daadiyay Caro kaawo, si wafdiga Xamsa ay uga hortagaan.

Wararka ayaa la sheegay in Ergada Kenya ay ku guulesteen in xiisada la qaboojiyo isla markaasna uu  Axmed Madoobe Shaqaalaha iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku wargeliyey in shaqadooda ay sidii caadiga aheyd u wataan, isagoo ka dulqaaday Xoogagii hubeysnaa, wuxuuna u fasaxay in Diyaaraduhu soo degaan laga bilaabo Maanta.

Warar aan soo shaac bixin ayaa sheegaya in la isku fahmay in Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay kulmaan, inkastoo aan la shaacin goobta uu kulankaasi ka dhici doono, maadaama Axmed Madoobe uu wafdigaan u sheegay in damaanad qaad amni u heysan inuu tago Muqdisho, balse waxaa dhici karta in Magaalada Nairobi ku kulmi doonan mustaqbalka dhow.

349690cookie-checkMa Dhabaa in Ergadii Kenya ee Dhexdhexaadinta ka dhex Waday Wasiirka 1-aad iyo Axmed Madoobe ay Horumar ka Gaareen Wan-waantii…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *